Gantaalo uu Turkigu sameeyo oo lagu soo ridey dayuurad Ruush ah + Sawirro

0

(Tripoli) 13 Abriil 2020 – Hannaanka difaaca cirka ee Turkigu sameeyo ayaa woqooyiga Libya kusoo ridey dayuurad nooca qumaatiga ah u kaca ah oo uu Ruushku sameyay, sida ay xaqiijiyeen Libyan National Army (LNA).

Kooxda LNA, ee hoos tagta hoggaamiye Kooxeedka Khaliifa Xaftar ayaa sheegay in dayuuraddan Ruush sameega ah oo ah Mi-35 ay mareeysey agagaarka Misrata, markii lala helay gantaal ay soo rideen ciidamada Government of National Accord (GNA).

LNA ayaa sheegay inay dhinteen dhamaanba dadkii dayuuraddan Mi-35 saarnaa.

Waxay intaa raaciyeen in hannaanka dayuuraddan oo ah nooca dagaalka lagu soo ridey uu yahay HISAR oo uu Turkigu sameeyo, iyadoo ay wada dhinteen 3 qof oo dayuuradda saarnaa, sida lagu qoray Avia.Pro oo Ruushka kasoo baxda.

Turkiga ayaa taageera GNA, halka uu Ruushanku qalab ciidan siiyo LNA si loo tuuro Dowladda Tripoli ee uu caalamku aqoonsan yahay.

Hannaanka HISAR ama go’doomiye ayaa ah hannaan dhul ka cir ah oo uu Turkigu sameeyo oo u qaab eg gantaalaha Patriot-ka ee Maraykanka.

Hadalsame Media