DAAWO: Faransiiska oo horay u mamnuucay NIQAABKA ayaa hadda dadka ku khasbaya!!

0

(Paris) 13 Abriil 2020 – Faransiiska oo ahaa dalalkii ugu horreeyey ee mamnuucay in ay bulshada lagu dhex xirto indha shareerka iyo xijaabka ay Islaamku xirtaan sanaddii 2011-kii, isla markaana xabsiga u taxaabayey qofkii lagu arko ayaa iminka wax ka bedeley.

Tan iyo bishii Abriil 2011, sharci darro ayay Faransiiska ka ahayd in indha shareer shacabka lala soo dhex galo, yeelkeede, haatan oo uu dunidii rogey Covid-19 waxaa Faransiiska ka shaqeeya sharci u dhigan sidatan:

“Haddii qof la qabto isaga oo aan gafuurku u shareernayn waxaa lagu ganaaxayaa 150 Euro.”

Markii ay Faransiiska oo ah dalka ugu Muslimiin badan Galbeedka Yurub uu sharcigan soo rodey 2011-kii, waxay Muslimiin badani u arkayeen in lagu tumanayo xoriyyadooda is  muujinta, balse iminka waxaa timid awood aanu Faransiisku waxba ka qaban karin, taasoo keentay inuusan ku dhaqaaqin wax u muuqda inay Muslimiintu hadda u fasaxan yihiin niqaabka, balse sidoo kale waxaaba si dadban ugu khasban Faransiiska oo dhan.

Dadka caanka ah ee ay Muslimiintu ugu horreeyaan ayaa arrintan haatan ku xifaalaynaya Faransiiska oo ahaa dalkii 1-aad ee soo roga mamnuucidda insha shareerka.

Hadalsame Media