UK oo qarka u saaran inay ka go’aan cuntada & dawadu (Akhri sababta)

0

(London) 12 Abriil 2020 – Wadiiqadda saanadda Britain ayaa go’i karta maadaama ku dhowaad 50% ka mid ah gaadiidkii waawaynaa ee xamuulka ahaa la dhigay, kaddib markii uu dalkaa ka dillaacay caabuq sidaha coronavirus, sida laga digey.

Haddii la cayimo, qiyaastii 46% ayaa shaqadii joojiyey marka la eego looriyada waawayn iyo qaboojiyeyaasha soo qaada badeecooyinka, sida ay sheegtay RHA.

Looriyaal waawayn ayaa agab ka kooban cunto, dawooyin iyo bagaash kale usoo qaada Britain oo bartamaha uga jirta dagaalka Covid-19 oo maanta oo qura dalkaa ku diley 737 qofood, iyadoo ay geerida guud mareeyso 10,612.

Jamciyadda Road Haulage Association ayaa ka digtey inay usii dhowaanayaan marxalad xasaradeed maadaama ay sharikaad badan oo kuwa xamuulka ihi ay qarka u saaran yihiin inay dumaan.

UK ataa dibedda kasoo degsata wax ka badan 50% cuntada dalkaa laga cuno, kuwaasoo 30% ay ka yimaadaan qaaradda Yurub, gaar ahaan EU.

Hadalsame Media