SAWIRRO: Ruushka oo sameeyay qori nooca wax lagu shiisho ah oo aan abid horay loo arag (Biraha adag oo uu ka dusi karo)

0

(Moscow) 12 Abriil 2020 – Qoray nooga wax lagu shiisho ah (sniper) oo uu Ruushanku sameeyey ayaa lagu tilmaamay mid wax wayn ka bedeli doona qaabkii hore.

Qorigan oo la yiraahdo Lobaev Arms SVLK-14S ayaa awood u leh inuu wax ka shiisho meel fogaan ahaan u jirta 2 mayl.

Qorigan oo qiime ahaan jooga £30,000 oo gini ayaa cufkiisu dhan yahay 10kg waana qadhawle markiiba ay hal xabbo oo qur ihi ka dhacayso.

Qorigan ayaa la sheegay inaysan celin karin jaakadaha rasaasta celiya, maadaama uu ka dusi karo bir jurmigeedu dhan yahay 3 cm.

Nin ka tirsan Buliisiya Millitaaraha Britain oo magaciisa qariyey ayaa qiray in haddii uu qorigani wax ka toogan karo 2 mayl uu noqon doono mid aan dhigan lahayn.

Maraykanka ayaa horay u sameeynayey qori sharp shooter ah oo wax ka dili kara fogaan dhan 1,500 oo mitir.

Hadalsame Media