CUDUR & CADOW: Israel oo bililiqo & burburin iskugu dartay isbitaallo teendho ka samaysan oo ay Falastiiniyiintu u diyaarsadeen la dagaallanka Covid-19 + Sawirro

0

(Daanta Galbeed) 12 Abriil 2020 – Saraakiil ka tirsan maamulka Yuhuudda xoogga ku degaamaysatey dhulalka reer Falastiin ee Daanta Galbeed ayaa burburin ku bilaabay teendhooyin loo dhisay in lagu daweeyo dadka Falastiin ee qaba Covid-19, sida ay sheegeen hay’aadka xuquuqul insaanka Israel.

Waxay la yimaadeen Jiibta ciidamada, baldoosar iyo gawaarida wiishlayaasha ah si ay u burburiyaan teendhooyinkan KMG ah oo laga dhisay woqooyiga Dooxada Urdun.

Waxay sidoo kale qaateen birihii iyo garoonshiidkii loogu tala galay in laga sameeyo ilaa 8 teendho oo u shaqayn lahaa sidii isbitaallo iwm.

Haddii lasii cayimo 8-da teendho ee la dhisi lahaa waa 2 isbitaal ahaan loogu tala galay, 4 lagu karaantiili lahaa dadka aan guryohoodii tegi karin ee cudurkan qaba ama looga shakiyo iyo 2 kale oo masaajid laga dhigi lahaa.

Waxay sidoo kale qaateen makhsin yar oo meesha ku yaalley muddo 2 sano ah, matoorkii korontada iyo kiishash carro iyo shamiito ah.

Waxay sidoo kale dheceen afar xirmo oo waawayn oo ay ku jireen labanno ama bulukeetigii loogu tala galay in sagxadda lagu dhiso, kuwaasoo ay 2 qaateen labana jejebiyeen.

Jeer ay dunidu la tacaalayso caabuq sidaha Covid-19, waxay Israel waqti iyo xoog ku bixinaysaa handadaadda iyo dhibka dadka reer Falastiin oo awalba ku silicsanaa gumaysigooda, gaar ahaan Daanta Galbeed.

Hadalsame Media