Beesha Caalamka oo baaq naadir ah u dirtay kooxda Al Shabaab (War Saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 12 Abriil 2020 – Dalalka Somalia daneeya ayaa War Saxaafadeed rasmi ah oo ay kasoo saareen marxaladda cusus ee ay wajahayso Somalia, waxay dalab u direen DF Somalia, maamullada iyo xitaa kooxda Shabaab.

Ujeedka qoraalkan ayaa ahaa wargelin ku saabsan caabuq sidaha laayaanka ah ee Covid-19 oo Somalia laga sheegay kiisas dhowr ah oo ay dhimasho ku jirto iyo sidii loo xakamayn lahaa.

“Waxaan la soconnaa in faafista coronavirus uu yahay caqabad caalami ah, waana mid ay tahay ina aynnu dhammaanteen si wadajir ah u wajahno. Jawaabta laga bixinayaana waa mid u baahan midnimo iyo in colaadda iyo rabshadaha aan meel iska dhigno,” ayuu u dhignaa qoraalka kasoo baxay beesha caalamka oo amaantay dadaalka DF Somalia.

Beesha Caalamka ayaa calanka cad u bitisay cid kasta oo ku lug leh colaadaha Somalia ragaadiyey, waxaana baaq naadir ah loo jeediyey kooxda Shabaab oo sanado badan ah isha colaadda iyo rabshadaha dalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale inay joojiyaan rabshadaha, iyo ficillada argagixisannimo si loo suurta geliyo in gargaarku uu gaaro dadka u baahan,” ayuu daba dhigayaa qoraalku.

DF Somalia iyo Maamullada ayaa loo jeediyey inay mas’uuliyad muujiyaan oo dhibaatada taagan ay u midoobaan, iyagoo soo jeediyey in hab-raac cusub loo sameeyo qabashada kulamada hay’aadka dowladda oo laga dhigayo qaar online uun ah.

Waxaa kale oo lasoo jeediyey in loo turo dadka baracakayaasha ah oo la joojiyo in laga saaro xeryaha ay deggan yihiin oo ah dhulal ay inta badan leeyihiin dad kale.

Hadalsame Media