”Waa inay leedahay HUB-QAAD wacan!” – Warqad yaqyaqsi leh oo kasoo baxday DF Somalia

0

(Muqdisho) 11 Abriil 2020 – Wasaaradda Warfaafinta DF Somalia ayaa soo dhejisey warqad ay ku dalbanayso gabdho ka shaqeeya TV-ga ku hadla codka dowladda, balse sita magaca qaranka ee SNTV.

Warqaddan ayaa waxaa ka muuqda kala sooc dhanka dhererka, da’da, quruxda jireed iwm, anshax xumo, sida in sidii sheey loo tilmaamo jirka gabadha jirkeeda (objectification).

Waxyaabaha laga hadlayo waxaa ka mid ah miisaanka gabadha iyo hub-qaadkeeda, taasoo aan la ogayn xiriirka ay la leedahay shaqada laga hadlayo.

Waxaa kasii daran inay warqadda meesha hoose kaga qoran tahay inay gabadhu soo gudbiso lambarkeeda Whatsup-ka, taasoo aan xirfad ahaan u ekeeyn wax laga leeyahay ujeeddo rasmi.

Marar badan ayaa xafiisyada DF iyo kuwa Maamullada dalka lagu dhaliilaa inay gabdhaha dhiig miirtaan oo iyaga oo mansabka iyo maalka umadda ka faa’iidaysanaya ay ku tacaddiyaan iyagoo codsiyo jinsi ah hordhiga hablaha shaqa doonka ah.

” In ka badan 12 sano ayaan wariye iyo tafatire kasoo ahaa warbaahinta caalamka kuwa ugu waaweyn. Waligeyna ma arag takoor, aflagaaddo iyo akhlaaq darro ka weyn middan!” ayuu yiri Cabdi Caynte, Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Somalia.

Inay warqad noocan ah oo u eg sida gabar reer Galbeed ah oo codsanaysa shaqo moodal, kasoo baxdo dal sharci ka jiro ama xafiis dowladdeed waa mid yaqyaqsi leh, waxayna muujinaysaa heerka uu la egyahay wacyiga rag ilaa heer Wasiir gaarsiisan oo ka tirsan DF.

Hadalsame Media