Turkiga oo hub casri ah oo nooca la hago ah ka iibinaya dal ka tirsan NATO

0

(Ankara) 11 Abriil 2020 – Hay’adda horseedka ah ee agabka millateriga farsamaysa ee ASELSAN ayaa dal ka tirsan Gaashaanbuurta NATO ka iibinaysa hub ku shaqeeya hannaanka remote-ka.

Sida ku cad war kasoo baxay shirkaddan, waxaa agabka dalkan laga iibinayo marka laga soo tago hubka remote-ka lagu hago, sidoo kale ka mid ah hannaanka dabka sheega oo casri ah.

Waloow aan si gaar ah loo carrabaabin dalka NATO ka tirsan ee agabkan laga iibinayo, waxay tirada dalalka guud ee doonaya hubka noocan ah ee ilaa iminka qandaraaska la galay ASELSAN ay gaarayaan 20 dal, lamase sheegin inay dalalkaasi ay sidoo kale NATO, lama se sheegin inay kulligood NATO yihiin iyo in kale.

ASELSAN ayaa ilaa iminka dunida ka iibisey ilaa 3,000 oo ah hubka lagu hago remote-ka oo ah hannaan casri ah.

Hubka remote-ka lagu hago ee RCWS, ayaa iskugu jira noocyo badan, sida gantaalaha, madaafiicda goobta, qoryaha culus ee darandoorriga ama darandoorri xigeenka u dhaca iwm.

Hadalsame Media