Maraykanka oo jebinaya rikoodhada DHIILLADA (Geeridii ugu badnayd muddo 24 saac ah)

0

(Washington, DC) 11 Abriil 2020 – Maraykanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay dunida oo diiwaan geliya 2,000 oo geeri ah muddo 24 saac gudohood ah, tan iyo bilowgii caabuq-sidaha Covid-19.

Maraykanka oo haatan guud ahaan ay kiisasku marayaan nus milyan ama 500,000, ayaa waxaa shalay oo qura dhintay 2,028 oo Maraykan ah, taasoo tirada guud ee geerida ka dhigeeysa ku dhowaad 19,000.

Tirada cayiman ee geerida ayaa iyaduna gaaraysa 18,798, halka ay kiisaska dadka caabuqa laga helay ay marayaan 505,478, maadaama shalay oo qura cudurka laga helay 35,579 oo qof.

Maraykanka ayaa sidaa ugu socda inuu jebiyo rikoodhka dalka ugu geeri badan caalamka oo ah Talyaaniga oo ay ka xijaabteen 18,849.

Wuxuuna maalmo yar kahor soo dhaafay dalka Spain oo ay ka dhinteen 16,081, jeer ay caalamka guud ahaan tirada geeridu mareeyso 100,000 oo qofood.

Hadalsame Media