Isbitaalka Digfeer oo war DAYRO u eg soo saaray xilli ay dadku wajahayaan durayga Covid-19 (DF oo door qaadan karta)

0

(Muqdisho) 11 Abriil 2020 – Xilli ay Somalia kusii kordhayaan kiisaska cusub ee Covid-19 ayaa waxaa Isbitaalka Guud ee Digfeer kasoo baxay war siyaabo kala duwan u fasirmi kara, balse aan soo jiidasho badan lahayn.

Warar aynaan weli xaqiijinin oo naga soo gaaraya Isbitaalka ayaa sheegaya in howlwadeennada qaarkood laga helay Covid-19.

Si kastaba, Maamulka Isbitaalka ayaa qoraal kasoo baxay waxay ku yiraahdeen sidatan:

”Waxaa maalmihii ugu danbeeyay sii badanayay dadka laga helayo ama looga shaki qabo in laga helay caabuqa CORONA.”

”Si looga hortago faafidda caabuqa CORONA loona ilaaliyo badqabka bulshada Maamulka, Isbitaalku waxa uu ku wargelinayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed in gebi ahaanba la joojiyay qabashada bukaan-socodka sidoo kalena la joojiyay booqashada bukaan jiifka.”

Waxaa lagu dhameeyay: ”Waxaa mudnaanta leh bukaannada deg degga ah.”

Qoraalkan ayaa woxoogaa jahawareer ah xambaarsan, waayo waxaa qoraalka ku jira in la ilaalinayo badqabka howlwadeenka caafimaad ee Isbitaalka, taasoo u fasirmaysa inaysan diyaar u ahayn la macaamilidda cudurka.

Waxaa kale oo ogaysiiska ku cad in la joojiyey ”bukaan-socodka sidoo kalena la joojiyay booqashada bukaan jiifka”, xusuusnoow bukaannada uu soo rito cudurka Covid-19 dabcan labadaa qaybba waa ka kooban yihiin.

Waxaa kale oo hoos ku qoran in la qabanayo wixii deg deg, taasoo iyaduna ah khaanad uu sidoo kale gelayo Covid-19 oo dadka qaar kusoo boodi kara, ama xaaladoodda si deg deg halis u gelin kara.

Haddaba, in Isbitaalkii magaalada ugu waynaa, welibana ugu qalabaysnaa ay go’aamo jahawareer ka muuqdo oo u eg inuusan diyaar u ahayn in dadka uu cudurkani soo rito lagu dabiibo waxay umadda gelinaysaa quus hor leh, tiiyoo ay jirto inay dad badani noo sheegeen in dad badan oo cudurkan iskaga shakisan horay looga celiyey Isbitaalka, iyada oo ay dalka aad ugu liitaan kaabayaasha caafimaad ee la heli karo.

Waxaa DF loosoo jeediyey inay arrintan, iyada oo si deggan xaaladda u wajahaysa oo si akhyaarnimo leh loola macaamilayo Turkiga jooga ay bulshada ka shaafiso, maadaama uu Isbitaalkani yahay hanti umadeed, maantana loogu baahi badan yahay.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media