Imaaraadka oo $3 bilyan oo doollar ku bixinaya dagaal ka dhan ah Turkiga

0

(Abuu Dabeey) 11 Abriil 2020 – Xogo sireed la helay ayaa muujinaya in dhaxal-sugaha Imaaraadka ee foowdaawiga kusoo baxay ee Mohammed bin Zayed uu diyaar u yahay inuu balaayiin ku bixiyo sii holcinta colaadda Suuriya, gaar ahaan Woqooyi Galbeed dalkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo Turki ah.

Amiirka Imaaraadka ee Mohammed bin Zayed (MBZ) ayaa meel dhigay $3 bilyan oo doollar oo uu siinayo rajiimka Asad, isagoo $250 milyan durba sii bixiyey, si loo jebiyo xabbad joojinta Gobolka Idlib, taasoo ah shuruudda ugu wayn ee uu MBZ bixinta lacagtan ku xirayo.

Dagaal mar horseedi lahaa xaalad aadminnimo oo u dhexeeyay ciidamada mucaaradka ee ay Turkigu taageeraan iyo kuwa Asad ayaa lagu hakiyey xabbad joojin ay ka shaqeeyeen Ankara iyo Moscow, bartamihii bishii Maarso.

Dagaalka ayaa sii xumaaday markii ay Ciidamada Asad ay duqayn madaafiic ah ku dileen 35 askari oo Turkish ah, taasoo keentay inuu Turkigu qaado wax lagu sheegay duqaymo cireed oo daroon loo adeegsado kuwii ugu ballaarnaa, taasoo ay ku burburiyeen boqollaal taangi, gantaalo, gawaari, madaafiicda goobta iyo xarumo ay lahaayeen ciidamada Asad. Waxay sidoo kale dhulka la gooyeen dhowr saldhig ciidan.

MW Ruushanka ee Vladimir Putin ayaa la sheegay inuu aad uga caroodey tillaabada foowdada ah ee Imaaraadka, isagoo Wasiirkiisa Gaashaandhigga ee Sergei Shoygu deg deg ugu diray halkaasi, si arrintan loo joojiyo.

Imaaraadka ayaa la sheegay inuu $1 bilyan oo kale siiyey nidaamka Asad, kaddib booqashadii Shoygu, balse xabbad joojintu weli ma jabin, si kastaba.

Imaaraadka oo foowdaawi isu rogey sanadihii dambe, ayaa doonaya inay joogteeyaan khilaafka Turkiga iyo nidaamka Asad iyagoo aan ka fikirin dhibaatada gaaraysa malaayiin Suuriyaan ah oo halkaa ku sugan, ayaa sidoo kale dagaallo foowdo ah ka wada dalalka Yaman, Libya iwm, iyagoo sidoo kale faragelin ku haya dalka Somalia.

Nidaamyada kali taliska ah ee ka dhisan Khaliijka ayaa sanado badan ku howllanaa fayla goynta dunida Muslimka, balse taas markii hore waxay u samayn jireen qaab doqoni ma garato ah, yeelkeede, sanadihii dambe dalal uu Imaaraadku ka mid yahay ayaa ku dhiirranayey inay caddaystaan, iyagoo inta badan fulinaya danaha reer Galbeedka, si taa ku bedelanaya inay xukunka dalalkaasi sii joogaan.

Hadalsame Media