GEERIDII LA SIYAASADEEYEY: Sida loo siyaasadeeyey geerida qofkii ugu horreeyey oo Covid-19 Somalia ugu geeriyoodey

0

(Hadalsame) 11 Abriil 2020 – Waxaa labo maalin ka hor Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Shariif Maxamed oo warbaahinta laga sheegay in uu yahay dhibbanihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee gudaha dalka ugu geeriyooday Hergebka Koroona. Waxaan rabaa in aan ka hadlo sida geeridiisa loo siyaasadeeyey iyo anshaxa warbaahinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxa ay ka qabaan in sidaas la yeelo.

Hase ahaatee ugu horreyn waxaan u tacsiyeynayaa qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuumka.
Godkiisa Nuur, Naruuro iyo Naxariis Ilaahey haku siiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisana sabar iyo iimaan Ilaahey haka siiyo… Aamiin.

Intaas kaddib waxaan doonayaa in aan qiro dhawr arrimood oo xaqiiqo muuqato ah.

1. In Shariif Mohamed Sheekh uu ahaa dhibbane isaga oo aan dalkiisa ka bixin fadhigiisa loogu geeyey cudur naftiisii dhaafiyey, maadaama la xaqiijiyey inuusan safrin.

2. In goobihii caafimaad ee dalka uu ka waayey daryeel lagu ogaado waxa hayay si loola tacaalo.

3. In qoyskiisa iyo dadkii gacanta ku hayey bukaanka aan la siin talooyin ku filan oo ay kaga gaashaantaan waxa ku dhici karay bukaankooda (aabbahood) Ilaahey ha u naxariisto e.

4. In ay si weyn u muuqato iska warqab la’aanta laamaha u xilsaaran gurmadka Hergebka Koroona iyo goobaha caafimaadka.

5. In intan kor ku xusan ay ku dhici karaan qof walba oo uu soo rito hergebka Koroona.

Xaqiiqooyinkaas kaddib, waxaa aad ii danqiyey sida loo siyaasadeeyey geerida marxuumka oo la gaarsiiyey heer qoyskiisa la galiyey qalqal iyo walwal keenay in ay xubmo qoyska ka mid ah baraha bulshada ku jawaabaan xilli tacsi xanuun badan ay u taallay.

Geerida markii ay soo baxday waxaa baraha bulshada, gaar ahaan Facebook iyo WhatsApp lagu faafiyey qoraal u muuqday in ujeedkiisa uu ahaa in lagu weeraro Isbitaalka Aadan Cadde, bulshadana qalqal lagu galiyo, kaas oo aan wax tacsi iyo naxariis ah aan loogu muujin Marxuumka iyo Qoyskiisa, balse si ku digasho u eg uga hadlayey xaaladda.

Kaddib maxaa dhacay?
1. Waxaa qoraalkii lagu daabacay bogag ay leeyihiin siyaasiin iyo dad magac ku leh warbaahinta, kuwaas oo aan wax tacsiyo iyo danqasho ah aan muujin qoyska ay tacsida u taallay, balse dhan siyaasadeed la aaday geeridda marxuumka.

2. Waxaa eedeyn iyo gefaf loo geystay xubno ka mid ah qoyska Marxuumka oo ay ka mid tahay gabadhiisa.

3. Waxaa gefaf iyo eedeyn loo geystay xubno riximka marxuumka ka mid ah oo uu ka mid yahay seyga Gabadhiisa.

4. Waxaa si tixgalin la’aan ah loo faafiyey qoraalladaas qoyskii laga geeriyooday ku diganayey.

5. Waxaa geerida marxuumka darteed loo billaabay dacaayado siyaasadeysan oo lagu beegsanayo dad shaqaale u ah dowladda oo iyaga lagu eedeeyey in ay qabaan Hergebka Koroona, waxaana eedda laga dhigayey in qabidda Koroona ay denbi tahay oo kale.

Haddaba, dhammaan wax yaabahaas la sameeyey ee aan kor ku xusay waxaa ay si weyn uga soo horjeedaan dhaqanka Soomaaliyeed, Diinta Islaamka, Naxariista Bani’aadamnimada iyo Anshaxa Saxaafadda intaba.

– Waxaa mamnuuc ah in qof dhintay halkii looga duceyn lahaa geeridiisa lagu sameeyo ku digasho ama la xushmad darreeyo, waxaana taas bedelkeeda qof walba laga doonayaa Duco, Tacsi iyo Naxariis.

– Waxaa aan habbooneyn in gabar Soomaaliyeed loo gefo, kaaga sii darane xilli ay tacsi u taallo oo uu aabbaheed geeriyooday, iyada oo gefafkaasina ay ka imaanayaa dad bulshada magac ku dhex leh

– Hergebka Koroona ma ahan mid qofka uu ku dhacay lagu ceebeyn karo, waayo waa wax dabiici ah oo qofka xilliga ay ku dhacayaan uusan war u heyn oo haddii uu war u heyn lahaa uu iska ilaalin lahaa

Ugu danbeyntii, waxaan soo jeedin lahaa in aad looga feejignaado waxa laga dhahayo marka laga hadlayo dadka tiiraanyeysan ee ay tacsida u taallo, gaar ahaanna xilligan adag ee ay bulshada wajaheyso Musiibo Rabbaani ah oo aysan jirin cid sheegan karta in ay ka fakaneyso.

Hergebka Koroona aan si wada jir ah u wajahno, yeynaan xanaf u yeelin xaaladihiisa inshaa ALLAAH.

Waxaan mar labaad Marxuumka Ilaahey uga baryayaa inuu Naxariistiisa ka waraabiyo, qoyskiisa iyo ehelkiisa sabar iyo iimaan ka siiyo, ummadda Soomaaliyeed ka samatabixiyo musiibada Koroona. Aaaaaaamiiiiin.

F.G. Haddii uu jiro qof qoraalkeyga uu dhibay waan ka raalligalinayaa. Haddii uu kula noqday mid macquul ah fadlan sii faafi si uu u gaaro inta ay gaareen qoraalladii gefka ahaa

Waxaa Qoray: Abuukar Al Badri

Hadalsame Media