DEG DEG: DF Somalia oo raalli gelin kasoo saartay warqad muran dhalisay (Takoor weli ku jira)

0

(Muqdisho) 11 Abriil 2020 – Wasaaradda Warfaafinta DF Somalia ayaa soo dhejisey warqad ay ku dalbanayso gabdho ka shaqeeya TV-ga ku hadla codka dowladda, balse sita magaca qaranka ee SNTV.

Warqaddan ayaa waxaa ka muuqda kala sooc dhanka dhererka, da’da, quruxda jireed iwm, anshax xumo, sida in sidii sheey loo tilmaamo jirka gabadha jirkeeda (objectification).

Waxyaabaha laga hadlayo waxaa ka mid ah miisaanka gabadha iyo hub-qaadkeeda, taasoo aan la ogayn xiriirka ay la leedahay shaqada laga hadlayo.

Waxaa kasii daran inay warqadda meesha hoose kaga qoran tahay inay gabadhu soo gudbiso lambarkeeda Whatsup-ka, taasoo aan xirfad ahaan u ekeeyn wax laga leeyahay ujeeddo rasmi.

Yeelkeede, warqad kale oo kasoo baxday isla Wasaaradda Farfaafinta ayaa raalli gelin iyo cudur daar ka bixisay warqaddii hore, waloow uu marmarsiinyo dugsi hoose ihi uu la socdo.

Waxaa sidoo kale sixitaan macquul ah lagu sameeyay qaabka ay warqaddii hore u qodobaysnayd ee aadka looga xumaaday.

Ha yeeshee, waxaa weli warqadda ku qoran takoorkii dhanka da’da ahaa, iyadoo shaqada loo gooni yeelay qofkii ka yar da’da 30 sano, oo ka dhigan in 5 sano lagu kordhiyey warqaddii hore.

Hoos ka eeg warqadda cusub.

 

Hadalsame Media

Facebook Comments