Kulan Israel ”loogu ducaynayey” oo sabab u noqday inuu Covid-19 ku fido dalka Koonfur Afrika (Sidee wax u dheceen?)

0

(Bloemfontein) 10 Abriil 2020 – 10-11 Maarso dhowr boqol oo marti ah ayaa kasoo qayb galay kulan diimeed wayn oo ka dhacay afaafka  Bloemfontein, caasimadda gobolka Free State ee South Africa, si ay uga qayb galaan wax loogu yeero Jerusalem Prayer Breakfast (JPB).

JPB waa ”duco” ay kasoo qayb galaan madaxda dowladda iyo kuwa Masiixiga ah ee dalkaasi, si loogu duceeyo baraaraha Israel, sida ku dhigan website–kooda.

Waxaa kulankan soo xaadiray 480 qof oo iskaga yimid kaniisadaha Koonfur Afrika, waxaana goob joog ahaa isu duwaha JPB Albert Veksler, oo ka mid ahaa laba Israeli ah oo shirka joogey, laba Maraykanka ah iyo nin Faransiis ah, waxayna dadka ku dhiiri geliyeen in Covid-19 uu yahay mid looga jeedinayo kulanka.

NATIIJADA XANUUNKA BADAN

Kulankan micne darrada ah ee JPB oo ay kasoo qayb galeen dad madow ah oo maskaxda looga dhaqay in Israel oo loo shaqeeyaa ay ka dhigan tahay cibaado diimeed, waxay noqotay arrin cudurka aad ugu faafisay KA.

Tusaale, gobolka Free State hal kiis oo corona ihi kama jirin kulankan kahor 10-kii Maarso, balse 31-kii Maarso waxay kiisasku gaareen 74 kiis, kuwaasoo 67 ka mid ah ay toos u sababsadeen JPB. 8-dii Abriil waxay kiisasku dhaafeen 88.

6 maalmood kaddib markii uu ka tegey kulanka JPB oo uu ka khudbeeyey, Reverend Kenneth Meshoe – oo aan dan ka gelin inuu u ban baxay COVID-19 – ayaa la kulmay MW Ramaphosa, MW Xigeenka David Mabuza iyo madaxda xisbiyada Cape Town si uu ugala hadlo jawaabta ay South Africa ka bixinayso coronavirus, taasoo keentay in la baaro madaxda. MW Ramaphosa waxba waa laga waayey.

Isbitaalka Duduza Clinic, oo u shaqeeya danyarta bariga Johannesburg, waxaa la xirey ilaa muddo aan la cayimin wixii ka bilowda 2-dii Abriil, kaddib markii cudurka laga helay kalkaaliso halkaa ka shaqeeysa oo ka qayb gashay kulankii JPB ee Bloemfontein.

Hadalsame Media

Facebook Comments