”Xiriirkeennu halis ayuu ku jiraa” – Maraykanka oo hanjabaad la yaab leh u diray Sucuudiga (Halkee la iska qardoofay?)

0

(Washington, DC) 09 Abriil 2020 – Ku dhowaad 50 Xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa dhaxal suge Mohammed bin Salman shalay u sheegay inuu halis ku jiro xiriirka amaan iyo midka dhaqaale ee Washington iyo Riyaad, haddii aanu Sucuudigu caadiyaynin sicirka saliidda, isagoo joojinaya saliidda qeeriin ee faraha badan ee uu suuqa ku fasaxayo.

“Haddii ay boqortooyadu ku guul darraysato inay wax ka qabato xasaraddan tamareed ee ay iyadu samaysay, waxaan dhiirri gelin doonnaa jawaab kasta oo rogaal ah oo ay DF Maraykanku u aragto mid habboon,” ayaa ku dhigan warqaddan oo ay saxiixeen 48 sharci dejiye, kuwaasoo rubac ka ah guud ahaan Xildhibaannada Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyaddiisa leeyihiin Xisbiga Dimoqraadiga.

Caabuq sidaha Covid-19 ayaa saamayn ku yeeshay sicirka saliidda, waxaa kale oo uga sii daray dagaal qaboow oo dhex maray Ruushka iyo Sucuudiga, balse Maraykanka ayaan arrintan ogolaan karin, maadaama ay sidaa ku musallafayaan sharikaadkiisa saliidda qoda oo sidoo kale cayrinaya shaqaalohooda.

Waxaana xildhibaannada ka mid ah qaar metela gobollada Maraykanka ah ee saliidda soo saara sida Louisiana iyo Texas.

“Joogitaanka Ciidamada Maraykanku waa kuwa sugaya amaanka baraaraha dhaqaale ee Bariga Dhexe, isla markaana hubinaya amaanka labada dal,” ayay meel kale uga qoran warqadda oo u muuqata mid Sucuudiga lagu rakaateeynayo.

Maanta oo Khamiis ah waxaa dhacaya kulan ay yeelaayaan OPEC+ oo ay ka qayb gelayaan Sucuudiga, Ruushka, Maraykanka iyo dalalka saliidda soo saara oo dhan.

Waxaa deeto berri oo Jimce ah kulmi doona Wasiirrada Tamarta ee dalalka wershadaysan ee G20 oo arrintan ka hadli doona. Kulamadan oo dhami waa video confrence.

Hadalsame Media