SWEDEN: Magaaladii ugu darnayd ee uu ku dhuftay Covid-19 oo soo kabanaysa laakiin….

0

(Stockhoolm) 09 Abriil 2020 – 96 oo hor leh ayaa dalka u geeriyoodey fayruska corona, Tiradaasina oo intii horey ugu geeriyootey covid-19 gaarsiinaysa 687 qof sida lagu sheegay shirkii jaraa’id ee maalinlaha ee xaaladda fayruska corona ee dalka.

Illaa maanta waxaa sidoo kale la caddeeyey in fayruska corona laga heley dad gaarsiisan 8 400 oo qof dalka guud ahaan.

Halka tirada dadka la dhigey cusbitaallada ee u baahan daryeelka joogtada ah ey tahay mid heerkeedii kor u kacu uu isku mid yahay.

-Maadaama Stockholm iyo gobollada dhaca nawaaxigeeda ey marayeen xaalad ka duwan ayaannu u kuur galney gobollada kale ee dalku ka kooban yahay, waxaana noo muuqatay inkastoo aaney mid sidaa aad kor ugu kaceysa ahayn iney gobollada kale intii hore in ka duwan ey kor u kaceyaan, halka Stockholm iyo nawaaxigeeda uu ka soo reeyneyo.

-Maalmaha soo socda ayaa la kala arki doonaa inay dhabowdo middaasi iyo in kale, sida uu sheegay Anders Tegnell.

Isha: Idaacadda Sweden

Hadalsame Media