IIRAAN: 3,600 oo qof oo wax dhintay & wax bistood ah isugu jira kaddib markii ay cabeen aalkolo ribban Covid-19 dartiis

0

(Tehraan) 09 Abriil 2020 – In ka badan 600 ayaa la sheegayaa inay Iiraan ku dhinteen, halka 3,000 oo qofood isbitaalka loola cararay kaddib markii ay ka wabxeen aalkolo aad u ribban oo aan la barxin, si baa la yiri ay ugu dilaan cudurka coronavirus sida uu sheegay afhayeenka Gholam Hossein Esmali.

A view of beds at a shopping mall, one of Iran's largest, which has been turned into a centre to receive patients suffering from the coronavirus disease (COVID-19), in Tehran

Esmali oo u hadlay Wasaaradda Cadaaladda, ayaa u sheegay Wakaalad Wareedka Tasnim News Agency u sheegay “in dhowr qof lasoo qabtay, oo si adag loola xaali doono.”

Wuxuu intaa raaciyey in dadka faafiyey beenta ah in cudurkan lagu dawayn karo aalkoladaas iyaga wax laga waydiin doono oo ay dembi cad ku jiraan, kaddib markii ay sababeen waxyeellada iyo dhimashada dad muwaadiniin ah.

BEEN FAKATAY

Waloow uu caabuq sidahani caalamkii ugu sii baahayo sidii dab fakaday, waxaa sidoo kale aan ka yaraysanin  beenta la faafinayo, sida dadkan faraha badan ee aalkolada isticmaalay.

FG: Ilaa haatan ma jirto wax dawo ah oo rasmi ah oo ay ansixisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) oo soo baxay.

Hadalsame Media