DOKUMENTI SIR AH: Isbitaalka ugu wayn Sweden oo si qarsoodi ah u dejiyey hab-raac HALIS ah oo ka dhan ah dadka waayeelka ah (Akhri)

0

(Stockholm) 09 Abriil 2020 – Dokumenti loogu tala galay inuu hab-raac u noqdo howlwadeennada caafimaad ee Isbitaalka Karolinska Universitetssjukhuset, oo ay heshay Aftonbladet ayaa muujinaya qaabka loo abla-ablaynayo dadka u baahan daryeelka caafimaad, iyadoo la raacayo da’dooda.

Wareegtadan kasoo baxday maamulka Isbitaalka Karolinska ayaa la sheegayaa inay raacayso tilmaanta Hay’adda Daryeelka Caafimaadka FHM, gaar ahaan xilliyada duruufaha aan caadiga ahayn sida corona.

Yeelkeede, hab-raaca FHM kuma faahfaahsana in da’da lagu qiimeeyn doono dawada qofka, balse waxaa ku cad in il gaar ah loo yeelan doono da’da bayolojiga, balse aan la raacaynin da’da caadiga ah ee qofka.

Ha yeeshee, dokumentigani taa waa khilaafsan yahay, oo wuxuu leeyahay in qofkii ka wayn 80-jir in aan la siinayn daryeel deg deg ah.

Waxaa khaanaddaa kula jira qofkii 70-jir ah, balse qaba jirrooyin hore oo saamaynaya wax ka badan hal xubin oo jirkiisa ah iyo dadka u dhexeeya 60-70-jir ee horay uga jirranaa wax ka badan hal xubin, tusaale, beerka, wadnaha, sambabka, kelyaha, neef-mareenka, kaadi mareenka iwm, sida ku cad dokumentiga.

Wuxuu dokumentigu caddaynayaa in xitaa haddii uu qofku helayey adeeg gaar ah oo deg deg ah (intensive) laga siibayo neef-siiyaha iwm, haddii uu qofku ka mid yahay dadka aannu sare kusoo xusnay, isla markaana ay timaado baahi ay dadka ka da’da yari u qabaan agabka isaga ku xiran.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media