Arrin saamayn maaliyadeed ku yeelan karta Hawlgalka AMISOM oo soo korortay

0

(Hadalsame) 09 Abriil 2020 – Koox xag-jir ah oo ka dagaallanta dalka Mali oo la sheegay inay tababartay kooxda Al-Shabaab, isla markaana ku leg yeelata dembiyada abaabulan sida tahriibinta iyo khilaafaadka bulshada dhexdeeda, ayaa wiiqaysa horumarradii laga samayn lahaa xasilinta gobolkan Saaxil iyo Saxaraha.

Ciidamada ka socda Midowga Yurub, gaar ahaan Faransiiska iyo kuwa Mali ayay 13 askari ka dhinteen todobaadkii tegey kaddib markii ay isku dheceen laba helakabtar, wax lagu misaaley dagaalkii 3-dii Oktoobar 1993-kii ka dhacay Muqdisho ee lagu soo ridey 2 dayuuradood oo Black Hawk ah.

Tillaabo Istaraatiji ah: Faransiiska ayaa soo jeediyey in howlgalka Midowga Yurub ee Somalia, qaar ama gebi ahaanba loo duwo dhanka Mali.

Faransiiska ayaa ku doodaya in xasaradda amaan ee kasii dareeysa ee dalka Mali ay saamayn doonto howlgalka AMISOM ee Somalia, istaraatiji ahaan iyo maaliyad ahaanba.

Faransiiska ayaa dhanka riixaya qaraar kasoo baxa Golaha Amaanka ee QM oo howlgalka Mali ee MINUSMA loogu soo kordhinayo ciidamo nabad ilaalin ah oo ka yimaada Aasiya, Canada, Yurub iyo Midowga Afrika.

Hadalsame Media

Facebook Comments