RW Britain oo loola cararay qaybta Daryeelka Deg Degga ah & xaaladdiisa oo laga dayrinayo

0

(London) 06 Abriil 2020 – RW Britain ee Boris Johnson ayaa loo qaaday qaybta Daryeelka Gaarka ah ee ICU, kaddib markii ay kasii dartay xaaladdiisa caabuqa coronavirus, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xarunta Xukuumadda ee Downing Street.

RW ayaa loo qaaday qaybta ICU ee isbitaalka St Thomas’ Hospital ee London, wuuse miyir qabaa weli, waloow uu Wasiir Dibadeedka Dominic Raab u xil saaray inuu sii bedelo oo howlihiisa kusii simo.

Mr Raab, ayaa la wareegaya howl maalmeedyadii ku saabsanaa la tacaalidda iyo ka jawaabidda coronavirus, balse ma noqonayo RW kumeel gaar ah.

Mr Johnson, 55 jir, ayaa qaybta Daryeelka Deg Degga ah loogu qaaday cabsi laga qabo inay neeftu ku dhegto oo uu u baahdo hawo-siiye.

Dalka UK ayay geerida maanta oo qur ihi maraysaa 439 qof, halka ay kiisaska cusubi yihiin 3,802 qof maanta oo qura.

Hadalsame Media