COD SIR AH: Guddoomiyaha Wanlawayn oo si cad u hurinaya colaadda GUBITAANKA mareeysa ee Wanlawayn (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 06 Abriil 2020 – Waxaa shalay ay umaddu la yaabtay qof la gubayo oo misna iyadoo dab lagu shidayo lasii duubayo oo si deggan ay ugu dul sheekaysanayaan dad uu damiirkii ka dhintay.

Dad badan ayaa tuhunsan in waxan ay gadaal ka fadhiyaan dad kale oo dagaalladan oogaya, waxaana iminka soo baxay cod sir ah oo laga duubey gudoomiyaha degamada Wanlaweyn, Maxamed Siidow Cabdiraxmaan.

Wuxuu muujinayaa sida uu u hurinayo dagaalka ka socda degmada Wanlaweyn, isagoo sheegaya inuu dagaalkan isagu soo abaabulo weliba uu qurba joogta uga baahan yahay inay ku taageeraan hub iyo rasaas.

Wuxuu ka sheekaynayaa qiimaha ay rasaastu joogto min khasnad ilaa wixii ka badan iyo wixii ku baxaya 100 qof iyo wixii ka badan oo min 150 xabbo wata, isagoo sheegaya in haddii ay 400 maalin dagaallanto ay ku baxayso 60,000 oo doollar.

Waxaa la yaab leh in nin Degmo dhan oo dalka ka tirsan Guddoomiye ka ihi uu sidaa u fikiro, oo uu ku mashquulo dagaal hurin, halkii uu wax ka qaban lahaa dhibaatada haysata dadka degaanka oo aan hal qabiil ahayn.

Waxaa sidoo kale dagaalkan hurinaya rag xildhibaanno ah oo ka kala tirsan dowladda dhexe iyo maamulka KG.

DF Somalia iyo Maamul-goboleedka KG waxaa ku waajib ah in ay ninkan tillaabo ka qaadaan, isla markaana lagu soo oogo dembiyo dagaal, maadaama ay gubitaan iminka mareeyso colaadda uu oogayo.

 

Hadalsame Media