”Waa mooge & maage ma nooge ah oo musiibo ah oo aan maaro loo hayn!!”

0

(Hadalsame) 05 Abriil 2020 – Sida ka muuqata, Coronavirus xog ogaal ma aha:

Ma oga in Somaliland ay Soomaaliya ka goosatay, soohdinteedana ma yaqaan.

Kama warqabo is-af-garanwaaga Puntland iyo Federaalka.

Looma sheegin Gaalkacyo in ay qeybsan tahay.

Ma dhalan markii Fedraalku diiday natiijada doorashada Jubaland.

Lama socdo Shabaab in uu dagaal kula jiro Dowladda.

Ma garto taagdarrada Soomaalida maanta oo u turi maayo.

Waa mooge, waana maage ma nooge ah oo aan nasan. Waxa keliya ee uu yaqaan waa weerar gaadmo ah oo isaga oo aan loo jeedin, guuxiisa la maqal, lana urin karin uu aayar u dego saableyda san-ku-neeflaha u yimaada ama loo geeyo.

Ujeeddadiisu waa in uu xummad ba’an ama qandho kulul maalmo kugu ciqaabo, aakhirkana uu neefta kaa joojiyo.

Ke feker. Cidna ha u fekerin ee marka hore adigu isu feker.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media