Sweden oo shaacisay DA’DA dadka Covid-19 ugu dhintay dalka Sweden (Da’da & jinsiga ugu badan?)

0

(Stockholm) 05 Abriil 2020 – Dalka Sweden ayaa waloow uu maalinba kusii kordhayo caabuqa corona, waxay misna ka tirsan tahay dalalka ilaa xad caynta marka loo eego dalalka safka hore ku jira iyo kuwa ku xiga.

Weliba waxaa u dheer in Sweden ay tahay dalka qura ee wayn oo Yurub ah oo aan wax handaraab ah soo rogin ilaa haatan, iyadoo ay wax kastaahi caadi u shaqanayaan.

Sweden ayaa guud ahaan laga diiwaan geliyey 6,443 kiis, iyadoo ay cudurka u dhinteen 373 qof ilaa iminka.

Haddaba, waxaa lasoo saaray da’da dadkaasi dhintay ay qaybta ugu badan, marka la eego da’da dhanka sanad-tirsiga (chronological age).

Sida jaantuska ka muuqata, waxaa ugu badan dadka jira da’da ka badan 50-jirka iyo wixii ka sarreeya.

373 marka lakala saaro 219 waa rag, halka 154 ay haween yihiin.

Hadalsame Media