Maxaa Safaaradda Maraykanka ayaa ka hadashay warkii NISA kasoo saartay Haaruun Macruuf? (Hadalsame oo ka daba tagtay)

0

(Muqdisho) 05 Abriil 2020 – Waxaa baraha bulshada wiifaya war sheegaya in Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay ka hadashay war kasoo baxay Sirdoonka Qaranka oo lagu beegsanayey weriye Haaruun Macruuf.

Yeelkeede, waxaa arrintaa u kuur gashay warbaahinta Hadalsame Media oo ogaatey in tweet-kaasi yahay mid mid iminka laga saaray bogga Safaaradda, isla markaana aanay Safaaradda Maraykanku arrintan ka hadal.

War Twitter-ka rasmiga ah ee Safaaradda Maraykanka ee Somalia lasoo dhigo waxaa hadda ugu dambeeya midkii shalaytoole, Abriil 4, wuxuuna ku saabsanaa hay’adda USAID oo ka hadleysey caabuqa Covid-19.

Saxaafadda Soomaalida qaar ayaa daabacday warar ay ku sheegayeen in Safaaraddu arrintan uga hadashay maadaama bay yiraahdeen ay Safaaradda iyo VOA wada hoos tagaan Wasaarad Dibadeedka Maraykanka.

Baaritaanka waxaan ku ogaanney inay Safaaraddu ay warka boggeeda hore ka dejisey, balse ay u dhaaftay qaybta jawaabaha, taasoo aan la garan.

Si kastaba, NISA ayaa cambaarayn ballaaran kala kulantay shacabka oo ka xumaaday in la cabburiyo aragtida xorta ah, xogta runta ah iyo xorriyadda hadalka.

Hadalsame Media