HAL SHEEKO LABA SHEEGIS: Laba-wejiilanimo lagu wajahayo Soomaalida & Yuhuudda Sweden ugu dhimatay caabuqa Covid-19 (Arag warbixintan)

0

(Stockholm) 05 Abriil 2020 – Yuhuudda dalka Sweden ayaa ugu yaraan waxaa caabuqa corona uga dhintay ilaa 9 qof, taasoo 14 jeer ka badan saamiga ay ka yihiin  bulshada Sweden oo ilaa 10 milyan ah, sida ku dhigan Times of Israel.

Dadka Yuhuudda ka dhintay oo ku dhowaad gebi ahaantood da’da 80-jirka ka wayn, qaarkoodna ay kasoo badbaadeen gubistii (Holocaust) Nazi-ga ayaa 2.9% ka noqonaya tirada guud ee Sweden ku dhimatay.

Yuhuudda ku nool Sweden ayaa lagu qiyaasayaa ilaa 20,000, waxayna boqolleeyda guud ee dadwaynaha Sweden ka yihiin wax ka yar 0.19%.

Maarso 25, waxay sidoo kale Yuhuudda UK sheegtay inay dad badani kaga dhinteen caabuqa corona kuwaasoo xilligaa 15 gaarayey, yeelkeede, sida Soomaalida loo dhigay looma buunbuunin, lamana sheegin inay u geeriyoodeen umminimo, nadaafad xumi, jaahilnimo, luuqadda oo aanay aqoonin, guryo ciriiri ah oo ay deggan yihiin, dalka oo aanay la qabsan iwm.

Kuna darso, oo marka la eego tirada Soomaalida Sweden oo ugu yaraan 5 jeer ka badan Yuhuudda dalkan kaga dhimatay Covid-19 oo qaybiy tiradeeda guud lambarka ka dhintay nisbi ahaan wuu ka yaraanayaa midda Yuhuudda ka dhimatay.

Marc Harris oo Sweden ku nool ayaa Twitter kusoo qoray war iftiimin ah oo arrintan ku saabsan, isagoo sheegay in waloow uu isaguba tegey qubuuraha Yuhuuddaa badan ee dhimatay aanu misna abid Ebba Busch Thor (hoggaanka Xisbiga KD) ka maqli doonin iyadoo leh ”Yuhuudda af gaar ah hallugula hadlo oo luuqadda halloo khafiifiyo.”

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media