DAAWO: ”Waxay ka mid noqon doontaa meelaha ugu qurxoon” – Dhagax dhigga rug cusub oo bedelaysa Ex-Baarlaman + Sawirro

0

(Muqdisho) 05 Abriil 2020 – Waxaa la dhagax dhigay xarun cusub oo laga dhisayo halkii uu ku yaalley Baarlamankii hore ee Somalia ee ku caanka ah magaca Ex-Baarlamaan.

Agaasimaha Wakaaladda Horumarinta Somalia, Jen. Bashiir Goobbe oo meesha war kooban ka jeediyey ayaa ka hadlay waxa laga dhisayo meesha.

”Waxay noqon doontaa meel nagu nasto oo la iskugu soo boxo iyo meel taariikhi ah,” ayuu yiri Md Goobbe.

Guddoonka Gobolka, Md Cumar Filish, ayaa isna sheegay in ujeedkoodu yahay in meeshu noqoto jardiino wayn oo ay dadku soo beegsadaan xilliyada ciidaha iyo munaasabadaha gaarka ah.

”Waxay noqon doontaa mid ka mid ah meel ka mid ah meelaha ugu quruxda badan magaalada Muqdisho.” ayuu yiri Md Filish.

Dhismaha goobtan oo loo bixiyey ”Barxadda Midnimada”, ayaa waxaa iska kaashanaya Wakaaladda Horumarinta Soomaaliyeed iyo Gobolka Banaadir oo kharashka ku baxaya ay middiiba 50% bixinayso.

Hadalsame Media