Covid-19 oo Soomaalida Sweden dhex istaajiyey masraxyada doodaha Sweden (Madaxdii siyaasadda oo kusoo biiray)

0

(Stockholm) 05 Abriil 2020 – Ebba Busch Thor oo ah oo ah hoggaamiyaha Xisbiga KD ayaa maqaal ay ku qortay Aftonbladet ku sheegtay in diiradda la saaro badbaadada wax ay ku sheegtay kooxaha u nugul caabuqa corona oo ay Soomaalidu ka mid tahay.

Waxay qoraalka ku xustay in Soomaalida Sweden ay halis wayn ku jirto oo ay qarka musiibo u saaran tahay, isla markaana ay u baahan tahay xog shiilan oo cad oo ay u gudbiyaan golayaasha degaanka dalka.

Waxaan ku raacsan ahay dadka ku doodaya in ciriiriga guryuhu uu dhibaato yahay, waxaa kaloo jira sababo badan oo keenaya inuu fayruskani meelaha qaar si xun u galo. Waana sababta aan ugu baaqayo qorshayn dheeraad ah.

Xitaa dalka aannu deriska nahay ee Norway, Hay’adda Caafimaadka Dadwaynaha (FHI) ayaa si rasmi ah u daabacday qoowmiyaadka uu cudurkani ku dhacay, waxaana ugu badan Soomaalida Norway, ayay ku doodday.

Sida tira-koobkan ka muuqata, halista uu cudurkani ku hayo Soomaalida waxay 10 jeer ka badan tahay midda dadka asaliga ah ee reer Norway, taasina waa musiibo soo wajahdey Soomaalida ayay qortay.

Sidaa darteed, waxaan haynaa sabab aannu u aamini karno in xaaladda Sweden ay sidoo kale tahay, waxaana markii ay Jamciyadda Dhakhaatiirtu arrintan faafiyeen aan ogaanney halista jirta qaradeeda, gaar ahaan Rinkeby iyo Tensta.

Gabar Soomaali ah oo kalkaaliso ka ah isbitaal ku yaalla dalkan Sweden oo aan magaceeda sheegin ayaa Hadalsame u sheegtay in xitaa isbitaalkeedu u ka fikirayo inay jirto sabab dhanka hidde-sidka ah oo cudurkan u nuglaynaya cudurka.

Nyamko Sabuni hoggaanka Xisbiga Liberaalka (L) oo asal Afrikaan ah, ayaa Hay’adda Caafimaadka Dadwaynaha Sweden (FHM) ku dhaliishay inaysan deg deg tillaabo u qaadin, gaar ahaan dhanka tira-koobka.

”Waxay mas’uuliyad dheeraad ihi naga saaran tahay dadka danyarta ah.” ayay tiri Sabuni.

Waxaa Isku duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media