Maxaa Dowladda Sweden u diiddan inay dalka handaraabto? (Sabab la yaab leh)

0

(Stockholm) 04 Abriil 2020 – Dalal badan ayaa xakameeyay isu socodka dadwaynaha ama si kale haddii loo yiraahdo handaraabay dhamaanba wixii socod ah, si loo yareeyo faafitaanka  coronavirus.

Yeelkeede, Sweden ayay weli wax kastaahi furan yihiin, waxaana ugu wacan in uusan jirin sharci dowladda siinaya awood ay ku handaraabto dalka.

Waxaa sidoo kale jirtey dood ka dhalatay cidda iskuullada xiri karta, taasoo iminka wax laga bedeley, waxaa se la isku hayaa sidii loo dhowri lahaa ”xornimada socodka iyo mas’uuliyadda guud ee dolwadda.”

Sharciyan wuxuu Dastuurka Sweden si cad u ilaalinayaa XORIYADDA DHAQDHAQAAQA, sidaa daraadeed, suurtagal ma aha in lasoo rogo BANDOW GUUD.

”Dowladdu waxay u baahan tahay xeer gaar ah oo kasoo baxa Baarlamanka si ay u xadiddo isu socodka, sida ka bixitaanka, soo gelitaanka xadka iwm, ayuu yiri Titti Mattsson, oo ah prof sharciga ka dhiga Jaamcadda Lund University.

Waxaa jira Xeerka Kahortagga Cudurrada Faafa (Smittskyddslagen), kaasoo dowladda siinaya awood ay ku xadiddo xorriyadda socodka si looga hor tago faafitaankiisa.

”Waa jiraa xeerkaasi, ha yeeshee, kuma cadda inta uu la egyahay bedka dhulka ay dowladdu handaraabi karto,” ayuu yiri Titti Mattsson.

“Waxaan xiri karnaa meelo yar sida guryo, iskuul iwm,” ayuu yiri Anders Tegnell oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada faafa, isla markaa Madaxa Hay’adda Daryeelka Caafimaadka Dadwaynaha.

Sidaa darteed Anders Tegnell iyo Titti Mattsson waxay muujinayaan in ay adag tahay in khad loo jeexo arrintan maadaama uusan sharcigu taageeraynin, Dowladduna aysan samayn karin wax aan Dastuurku ogolayn ama si cad uga hadlaynin.

Dowladda Sweden ayaa iminka Baarlamanka ka dalbatay in awoodda loo kordhiyo si ay ula xaasho cudurkan faafa ee Covid-19.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media