(Nairobi) 04 Abriil 2020 – Duuliye sare oo u shaqeeynayey Kenya Airways ayaa noqday kii ugu horreeyey ee u dhinta cudurka Covid-19 kaddib markii uu kasoo laabtay magaalada uu cudurku la degey ee New York City.
Kabtan Daudi Kimuyu Kibati, oo uu cudurku soo ritey 29-kii Maarso, ayaa geeriyoodey todobaad kaddib markii uu sameeyay duullimaadkiisii ugu dambeeyay ee caalami ah.
Waxaa geeridiisa ku dhawaaqay Wasiirka Caafimaadka, Mutahi Kagwe, oo arrintaa uga dhawaaqay shir maalmeedka dadka wax loogu sheego ee ku saabsan Covid-19.
Kabtan Kibati ayaa duullimaadka galaaftay wuxuu dad Kenyan ah kaga soo qaaday New York isagoo keenay Nairobi, kahor intii aanay dowladdu joojinin duullimaadyadii caalamiga ahaa xilli dambe oo ahayd Arbacadii hore.
Kahor inta aanay Kenya xannibin duullimaadyada caalamiga ah 25-kii Maarso, waxay Kenya Airways samaysay hal duullimaad oo ay sheegtay inay kusoo daad guraynayso dadka Kenyan-ka ah ee ku go’doomay magaalada New York City ee doonayey inay dalkooda kusoo laabtaan.
Hadalsame Media