(Abidjan) 04 Abriil 2020 – Halyeeygii Chelsea iyo Ivory Coast ee Didier Drogba ayaa ku biiray Samuel Eto’o iyo Demba Ba oo aad u cambaareeyay laba dhakhtar oo Faranji ah oo TV toos ah ka sheegay in Afrika lagu tijaabiyo tallaalka Covid-19.
Professor Jean-Paul Mira iyo dhiggiisa Camille Locht ayaa warkan yaqyaqsiga leh si kalsooniyi ku jirto ka sheegay TV-ga LCI, taasoo ay Afrika aad uga xumaatay.
“Waa wax aan la fahmi karin in aannu waxan oo kale sii aqbalno. Afrika ma aha shaybaar,” ayuu yiri 42-jirkan.
“Naga caawiya in aan badbaadinno nolosha Afrika, halkii aad noo arki lahaydeen sidii bahalaha dawooyinka lagu tijaabiyo (guinea pigs),” ayuu daba dhigay.
“Waa arrin sirgaxan! Madaxda Afrika ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay inay dadkooda ka ilaaliyaan qorshayaashan halista ah,” ayuu ku dooday Drogba.
Caabuqa coronavirus oo iminka milyanka moodey ayaa dunida ku diley dad ka badan 53,000 oo qof, welina koow ma joogo.
Madaxda Afrika oo ay badankoodu yihiin kuwo ay gumaystuhu xilalka daad xoorta ah uga tagteen ayaa la haray qaaradda oo ilaa maanta oo ay 60 sano xor tahay ku nool gacan hoorsi iyo musuq da’ dhaafay.
Il est inconcevable que nous continuons à accepter ceci. L Afrique n est pas un laboratoire.
Je dénonce vivement ces propos graves, racistes et méprisants!— Didier Drogba (@didierdrogba) April 2, 2020
They are not even ashamed of themselves.
They want to test the new vaccine first in Africa ????? pic.twitter.com/Gy3n2zWYaU— Christian Atsu (@ChristianAtsu20) April 3, 2020
Hadalsame Media