CEEB: Twitter oo KASHIFTAY arrin ay ku dhaqaaqeen dalalka Sucuudiga, Masar iyo Imaaraadka

0

(Hadalsame) 03 Abriil 2020 – Twitter ayaa tiray kumanaan koonto oo la sheegay inay adeegsanayeen dowladaha Masar, Saudi Arabia, Indonesia, Honduras iyo Serbia, sida ay faafisay Reuters.

Twitter ayaa xiritaankeeda u cuskatay in koontooyinkani ay jebiyeen xeerka u degsan faafifaanka warka saxda ah isla markaana “ay wiiqayeen ra’yul caamka bulshada”.

Reuters ayaa sheegtay in Twitter xireen 2,541 koonto oo Masar ku yaalley, kuwaasoo lagu cambaarayn jirey dalalka Iiran, Qadar iyo Turkey, iyadoo ay Twitter ogaatey in ay Dowladda Masar ahayd isha laga soo qaato xogaha la faafinayey.

Waxaa sidoo kale la tiray 5,350 koonto oo amaanayey wax lagu sheegay “hoggaanka Sucuudiga isla markaana caayi jirey howlaha Qadari iyo Turkiga ee Yemen”, kuwaasoo ka furnaa Saudi Arabia, Masar iyo Imaaraadka.

Hadalsame Media