YAA LA HOR DAWAYNAYAA? Arag hab-raaca caafimaad ee ay UK ka dejisey Covid-19?

0

(London) 02 Abriil 2020 – Jamciyadda Caafimaadka Britain (BMA) ayaa soo saartay hab-raac caafimaad oo cusub, kaasoo loogu tala galay in lagu camal falo haddii lacalla uu caabuqa corona ka saa’id caleeyo hannaanka caafimaad ee dalkaasi oo durba yaabban.

Waxaa iminka la hor daweeyaa qofkii soo hor mara iyo qofkii daran, balse haddii ay xaaladdu faraha ka baxdo, waxaa la gaari doonaa go’aamo aan anshax ahaan sax ahayn, balse dani keentay ah.

Waxaa ka mid ah in hawa-siiyaha laga siibo qofkii qaba cudurro kale oo halis ah oo ay yar tahay ixtimaalka noloshiisu (marka dabcan laga hadlo sida ay wax u cabbiraan dhakhaatiirtu).

John Chisholm oo ah guddoonka Jamciyadda BMA ayaa sheegay in la joogo xaalad dagaal oo ay Britain ugu dambeeysey xilligii Dagaalkii 2-aad ee dunida, sidaa darteed, loo baahan yahay inay fahmaan sababta loo gaarayo go’aamada qaar, danta khasabtay iyo sababta loo gaarey.

Wuxuu qiray inay go’aamadani yihiin cunsuriyad dalban oo ay dhici doonto ”in hawa-siiyaha laga siibo qaar ka mid ah waayeelka iyo dadka qaba cudurrada halista ah, si loo badbaadiyo kuwa kale.”

Hadalsame Media