Siyaasi reer Puntland ah oo maamullada Somaliland & Puntland u jeediyey inay hal arrin uga daydaan Galmudug & KG Somalia

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2020 – Labada Baarlaman Goboleed ee maamullada Galmudug iyo KG Somalia ayaa waxay iskaga mid noqdeen hal arrin:

Waa inay Guddoonka ka dhigteen rag aqoonyahanno ah, isla markaana ay ku xigeennadoodu gabdho wada yihiin.

Haddaba, siyaasiga Cali Warsame aya bartiisa Twitter kusoo qoray war uu u jeedinayo maamullada Somaliland iyo Puntland oo uu leeyahay wax ”ka barta maamullada Galmudug iyo KG Somalia.”

Hadalsame Media