HAN FOORARA & FILASHO GAABAN: Aragtidii ahayd shisheeye ayaa wax iga dhigi kara oo kasii dhamaanaysa Somalia

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2020 – Waxaa aad u soo siyaadaya waayahaan danbe dad u qaba haday han siyaasadeed yeeshaan ay khasab tahay in ay Dowladdo shisheeye dhabarka saaraan ayagoo u arkaya in ay garab iyo gaashaan u noqdaan si ay uga dhex muuqdaan siyaasadda dalka Soomaaliya.

Waxaadse mooddaa in dowladdaha shisheeye ay sharuud uga dhigeen dadkaas in ay waxkasta oo wanaagsan kana socda dalka Soomaaliya in ay dhaliilaan ayaga oo aan u aabba yeelin erayadda ka soo baxaya bishimahooda oo mar marka qaar shaki kaa galayo bad qabka caafimaad ee qofkaas markaad aragto waxa uu ku hadlayo.

Haddaba waxaan is leeyahay waxaysan ogayn in qof shisheeye u shaqeeyay uusan aduunka wax magac iyo maamuus ah ku yeelan kana gaarin mansab siyaasadeed oo la mahadiyo, balse uu dhashiisa uga tago naanays ah in uu ku sifoobay qof shisheeye kalkaal ah boog danqatana ku noqota dhashiisa.

Hankaaga siyaasadeed ka dhex raadi dadkaaga iyo dalkaaga shisheeye aad dhabarka saarti fariimaha ay kuu soo dhiibaan in aad soomaaliyayso laguma gaaro hanasho xil iyo kasbasho shacab, maadaama ay sii adkaanayso in shisheeye xil qaran kuu dhiibo ama kugu hayo.

W/Q: Saciid Muuse Shire

Hadalsame Media