Caabuqa corona oo ka cabaadsiiyey burburiyaha adduunka ugu wayn (Warqad baryootan ah oo kasoo baxday)

0

(Guam) 02 Abriil 2020 – Kabtanka markab dayuurad xambaar ah oo roondeeynayey Badda Deggan ayaa Pentagon-ka u qayshaday si kaalmo deg deg ah loola soo gaaro, kaddib markii uu kusii fiday caabuqa corona.

Warqad afar bog ah oo uu kabtanku qoray ayaa waxaa helay warqaadka The San Francisco Chronicle, waxaana ku dhigan Kabtan Brett E. Crozier oo ka calaacalaya xaaladda liidata ee markabka USS Theodore Roosevelt, oo sida in ka badan 4,000 oo bad-maax.

Wuxuu xaaladda ku qeexay mid faraha kasii baxaysa kaddib markii ay Ciidamada Baddu lasoo gaari waayeen kaalmo uu kula tacaalo cudurkan oo ku dhacay dhowr dersan oo ka tirsan ciidankiisa.

“Dagaal kuma jirno. Ma aha inay bad-maaxyadu iska dhintaan. Haddii aynaan iminka tillaabo qaadin, way adkaan doontaa in aannu dawayno hantida noogu muhiimsan — oo ah bad-maaxyada.” ayaa meel kaga qoran warqadda.

Markabka ayaa iminka ku xiran khoor ku yaalla saldhig badeed ku yaalla geyiga Guam oo hoos taga Maraykanka.

USS Theodore Roosevelt (CVN-71) ayaa ah marka 4-aad ee dabaqadda 1-aad ee Nimitz oo ah ilaa 10 markab oo leh awoodda nukliyeerka oo uu ku faano Maraykanku, waxaana loogu magac daray MW 26-aad ee Maraykanka, Theodore Roosevelt.

Hadalsame Media