Taariikh nololeedka RW hore ee Somalia marxuum NUUR CADDE

0

(Hadalsame) 01 Abriil 2020 – AUN Nuur Xasan Xuseen oo ku magac dheer Nuur Cadde waxa uu dhashay 16-kii Febaraayo sanadkii 1937-dii, waana Ra’iisul Wasaarihii 12-aad ee Taariikhda Soomaaliya soo maray.

Nuur Cadde waxa uu shaqadiisii ugu horeysay uu qabtay ka bilaabay qaybta kastamka oo uu sarkaal ka noqday sanadkii 1958-dii labo sano kahor madax banaanida Soomaaliya, waxaana uu kamid noqday saraakiisha Booliiska Caalamiga ah ee Interpol.

Tababar ciidan oo dibadda ah waxaa u diray Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, kadib markii soo soo dhameystay waxa uu daraaseeyay kulliyadda sharciga Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed iyo iskuul lagu magacaabo Fiscal Law oo ku yaalla Magaalada Rome ee Caasimadda Talyaaniga.

Waxa uu noqday Qareen, kolkii ay dhacday Dowladii Kacaanka sanadkii 1991-dii dalkana uu burburay galay waxa uu noqday Xoghayaha guud ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

22-kii November sanadkii 2007-dii, Madaxweynihii Dowladii KMG ahayd ee lagu soo dhisay Kenya Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxa uu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde kadib markii uu is casilay Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi 29-kii October isla sanadkaas.

Marxuum Nuur Cadde markii uu codka kalsoonida ka helay Baarlamaankii KMG ahaa waxa uu waqti kooban kadib ku dhawaaqay Xukuumad ka kooban 73 xubnood, 31-Wasiir, 11- Wasiiru Dowle iyo 31-Wasiir ku xigeen.

17-kii December waxa uu isbadal lagu yareeyay Xukuumaddii ka koobneed 73-da uu ku sameeyay, waxaana uu magacaabay Xukuumad cusub oo lagu soo koobay 17-Wasiir, Shan Wasiir ku xigeen iyo shaqsiyaad ka baxsan Baarlamaankii xiligaas.

10-kii Janaayo waxaa Wasiirada cusub waxaa ansixiyay Baarlamaanka, kadib markii codeyn loo sameeyay kalsoonida lagu siiyay 223 Cod, waxaana kasoo horjeystay Shan Xildhibaan iyo labo Mudane oo ka aamustay.

Nuur Cadde waxa uu udub dhexaad u noqday Wadahadalkii dhexmaray Dowladii KMG iyo Garab kamid ah Maxkamadihii oo saldhigtay Jabuuti, waxaana ugu dambeyn la dhisay Baarlamaan ka koobnaa saddex dhinac oo kala ahaa, Dowladdii KMG, Maxkamadaha iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa Bulshada.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo uu qabtay sanadkii 2007-dii waxa uu baneeyay sanadkii 2009-kii, kadib markii Jabuuti lagu doortay Madaxweynihii Dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed oo isna Ra’iisul Wasaare muddo kadib u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Xigasho: Mustaqbal

Hadalsame Media