Saluug ka taagan Sweden oo aan weli la handaraabin (Arag tirakoobka) + Sawirro

0

(Stockholm) 01 Abriil 2020 – Dadka Swedish-ku ma jecla inay dadka iska takooraan. Xitaa waxaa jira xeer caan ka ah dalalka Nordic-ka oo la yiraahdo: ‘Jantelagen’, kaasoo u fasirmaya nuxur ahaan: ‘Ha moodin inaad cidna ka mudnaan badan tahay.’

Yeelkeede, marka la eego caabuqa coronavirus, Sweden waa dalka qura ee Yurub ah ee wayn oo aan weli la handaraabin, iyadoo ay weli caadi u furan yihiin iskuullada, makhaayadaha iyo meheradaha kale.

Haa, oo dowladdu waxay dadka ka codsatay tillaabooyin ay ku jiraan inay guryaha ku shaqeeyaan haddii ay macquul tahay, iyadoo dadka waawayn lagu amray inay guryohooda joogaan, halka guryaha lagu xannaaneeyo dadka waawayn booqashada laga mamnuucay.

Yeelkeede, ma jiro handaraab rasmi ah oo kusoo baxay wareegto dowladeed – waloow dalkan laga diiwaan geliyey in ka badan 4,000 oo kiis iyo 180 dhimasho ah.

Markii dhanka warqadda laga eego Sweden habkani waa u shaqaynayaa, waayo waxaa kiiskii 1-aad laga helay 11-kii Maarso – xilligaas UK waxay dhimashadu mareeysey 8 qof, halka Talyaaniga ay ahayd 800.

Rugta Xakamaynta Cudurrada Yurub ayaa sheegtay inay 14 dhimasho kusoo aadeeyso milyankii qofba, taasoo aad uga yar Talyaaniga (192), Spain (157) iyo UK (21).

Yeelkeede, taa lafteedu waa tirakoob wax jahawareerinaya, oo dad baa qaba inaysan Sweden cudurka ka adkaanin, balse ay halistiisu rahman tahay oo dib uun loo dhigay.

Heerka caabuqa Sweden waloow uu ka yar yahay dalalka kale, misna iskii ayuu u sarreeyaa, tusaale, 100,000 oo Swedish ah waxaa kusoo aadaysa 39.6, waana ka badan tahay UK (33.8), taasoo ka dhigan inay cillad leedahay istaraatijiyadda dowladdu.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

Facebook Comments