”Muxuu Cuomo walaalkii u waraystay!” – Dood ka taagan waraysi dhexsaday weriye ka tirsan CNN oo la dhashay Barasaabka New York (Daawo)

0

(New York) 01 Abriil 2020 – Waxaa Maraykanka ka taagan dood ku saabsan waraysi uu weriyaha CNN ee Chris Coumo ka qaaday walaalkii oo Barasaab ka ah Gobolka New York, Md Andrew Cuomo.

Dadka qaar ayaa keenay su’aal ahayd: ”Muxuu Cuomo u waraystay Cuomo”, balse CNN ayaa arrintaa difaacey iyagoo sheegay in xiriirka labada walaal uu wax wayn ka caawiyo.

Cuomo-ha weriyaha ah oo uu isla CNN waydiiyey su’aal ku saabsan arrintaas ayaa sheegay in waloow uu rajaynayey inuu xog fiican waraysiga uga helo walaalkii gaar ahaan mar uu waydiiyey inuu Madaxwayne isu sharraxayo oo uu wax kasta si kooban ”Maya” ugu dhameeyay.

Labada nin ayaa asal ahaan kasoo jeeda Talyaaniga, waxaana waloow lagu eedeeyay inuu woxoogaa shakhsiyaysnaa oo ay mararka qaar ”waan ku jeclahay, waan kula soo hadlayaa” iwm kusoo darayeen, qaar baa ku doodaya inay taasi caadi tahay marka la eego dhaqanka Talyaaniga ee qoysku muhimka u yahay, si ka duwan reer Galbeedka kale.

Dhanka kale, weriye Chris Coumo ayaa laga helay caabuqa corona, iyadoo uu ka hadlay isla walaalkii Andrew oo uu gobolkiisa NY la tacaalayo cudurkan oo fara ba’an ku haya.

Hadalsame Media