Madax lagu eedeeyay inay si khaldan ugu takri falayaan qalab loogu tala galay xirfadleeyda caafimaadka (Dr Xasan Khayrre oo talo soo jeediyey)

0

(Muqdisho) 01 Abriil 2020 – Maasgaraha hoose waxaa la dhahaa N95, qiimihiisa waa $9.9 dollar. Waxaa loogu tallo galay shaqaalaha ka shaqeeya Cisbitaalada gaar ahaan qeybaha cudurada faafa kaliya iyo Kuwa halista ugu jiro.

Reer galbeedka ayaa la’a oo deeq raadinaayo. Arrintaas waxay sababtay in 11% dadka cudurka COVID19 ku dhacay ey noqdeen shaqaale caafimaad agabkaan owgiisa.

Soomaaliya waxay deeq ahaa uga heshay 50,000 xabbo shirkada AliBaba Group. Balse nasiib xumo si khaldan ayaa loo isticmaalay.

Mustqabalka waxaa arkeysaa Ururka dhaqaatiirta iyo Kakaaliyaasha oo shaqada joojiyay agab la’aa oo diiday in ey u adeegaan bukaanka.

Goballka Benadir, M/goballeedyada iyo Wasaaradaa Caafimaadka waxaa kula talin lahaa in ey si sax u isticmaalaan.

Soo jeedintii: Dr Xasan Khayrre

Hadalsame Media