Cudurka Covid-19 oo soo saaray ceebta dadka CAANKA ah & kuwa COODKA haysta! (Sheeko xiise badan)

0

(Hadalsame) 01 Abriil 2020 – Gal Gadot ayaa tiri “Waannu ku wada jirnaa halista cudurkan,” balse waxa qura ee ay dadka caanka ah dhibaato ka soo gaartey waa inuu kasii jeestey caalamkii iyaga eegi jirey, oo iminka kusii jeeda caabuqa corona.

Madonna, ayaa go’aansatay inay dadka ka wacdiso gudaha doon qubays qaali ah oo ubax lagu daadiyey. Covid-19 “kalama yaqaan inaad taajir tahay iyo in kale. Waa sime wayn.” ayay nagu wargelinaysaa.

Bilyaneerka David Geffen, ayaa tiray Instagram uu kusoo galay doomaha raaxada oo ugu fadhida $590m (£480m), oo uu isku ”karaantiimayo” isagoo kusoo qoray: “waxaan rajaynayaa in la wada roon yahay”.

Ivanka Trump, oo aan weli dooni raaxo dhex fariisan, ayaa isku dayday inay dadka barto sida gacmaha la iskaga dhaqo iyadoo soo dhigtay muuqaal ay carruurteedu gacmaha ku dhaqanayaan saabbuunta Aesop oo joogta $39 doollar. Waa gabar dadka ka naxaysa, sax?!

Heesaaga Pharrell Williams wuxuu dadka usoo jeediyey inay lacago ku qaaraamaan, waxaa se Twitter loo mariyey jawaab qaniinto ah: “Waxaad haysataa $150 milyan oo doollar ee maad wax bixisid?” ayaa lagu yiri.

Kariyaha wayn iyo shakhsiyadda TV, Bobby Flay, oo la sheegay inuu bankiyada dhigtay $30 milyan oo doollar, ayaa bilaabay olole GoFundMe ah si uu u caawiyo shaqaalaha makhaayaddiisu. Habka raasumaaliga ihi waa kaas.

Dhaqanka caannimada iyo nidaamka raasumaalku si aan loo kala jari karin ayay u mataanaysan yihiin. Labaduba waxay door bidaan qofka shakhsiga iyagoo tuura danta inta badan, iyagoo been ka sheega “u qalmidda”: dadaal kaddib waxa aad doonayso waad helaysaa.

Yeelkeede, waa caddaatay inaan cidna qiimaynin dadka qabta howlaha ugu adan – xirfadleeyda caafimaadka, shaqaalaha Suuq waynayaasha, darawallada basaska iyo kuwa alaabaha daabula ee dunida oo idilba kala wada, jeer ay dadka taajirka ihi u carareen guryo labaad qaali ah.

Maanta si wayn bay u caddaatay sida uu u yar yahay qaaraanka ay dadka ugu taajirsani bulshada siiyaan. “Tan waa ku wada jirnaa,” ayay caanka iyo kuwa coodka haystaa noo sheegayaan.

Waa se ka xumahay, balse waa iska caddahay inuusan xaalku sidaa ahayn.

Waxaa Qoray: Arwa Mahdawi oo wax ku qora The Guardian

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media