UK: Faafitaanka corona oo bilaabay inuu hoos u dhoco & sababta

0

(London) 30 Maarso 2020 – Faafitaanka caabuq sidaha coronavirus ayaa u muuqda mid xawaaraha gaabinaya kaddib markii ay dowladdu handaraabka soo rogtey, sida uu sheegay khubarada la shaqaysa Xukuumadda Lambar 10.

Professor Neil Ferguson oo ku takhasusay cudurrada faafa, ayaa ku faanay inay bar garteen ‘astaamo horaadkii’ oo ay deeto handaraabka ku xakameeyeen faafitaanka cudurkan, iyadoo isbitaallada haatan hoos u dhac laga dareemayo.

Yeelkeede, Professor Ferguson – oo ka mid ah qorayaasha warbixin kasoo baxday Imperial College London oo Downing Street ka dhaadhicisay inay geeridu gaari doonto 250,000 haddii la raaco qorshe ay Xukuumaddu ku doonaysey in dad badan fayruska loo bandhigo si ay adkaysi ugu yeeshaan, ayaa sheegay inay weli geeridu sare u kici karto.

Wuxuu kaloo sheegay in 3% ka mid ah dadka UK – qiyaastii 2 milyan – uu cudurku horraanba ku dhacay, iyadoo London oo qur ihi tahay 5%.

Arrintan ayaa rajo yar gelinaysa shacabka, iyadoo uu dhufayskiisa Downing Street dadka kala hadlay RW Boris Johnson oo halkaa lagu karaantiilay, kaddib markii uu cudurku ku dhacay.

Hadalsame Media