Soomaalida oo yeelanaysa dabaqa ugu dheer magaalada Nairobi + Sawirro

0

(Nairobi) 30 Maarso 2020 – Soomaalida ayaa door firfircoon ku leh ganacsiga heerka hoose iyo kan dhexe guud ahaan, waxayna sanadihii dambe ka dhex muuqdeen ganacsiyada dalalka deriska.

Haddaba, waxaa magaalada Nairobi ka soconaya dhismaha dabaq uu dhererkiisu gaarayo 300 oo mitir oo lagu wado in la dhamaystiro sanadda 2023-ka.

Dabaqan ayaa noqon doona midka ugu dheer magaalada Nairobi, wuxuu sidoo kale ka miq noqon doonaa kuwa ugu dhaadheer guud ahaan qaaradda Afrika.

Dabqan oo ay dhisanayso HASS Petroleum, oo ay gebi ahaanba Soomaalidu leedahay, waxaa dhismihiisa ku baxaysa adduun dhan $220m oo doollar.

Hadalsame Media