DHEGEYSO: Diiradda saxaafadda oo weli saaran Soomaalida Sweden & isbedello iyaga khuseeya oo dhacay

0

(Trollhättan) 30 Maarso 2020 – Waxaa diiradda la saaray Soomaalida oo ay dadku u qaybsameen mid ku wiirsadey iyo mid ka walaacey, kaddib markii ay saxaafadda Sweden faafiyeen war sheegaya inay Soomaalidu u badan tahay dhimashada caabuqa coronavirus.

Haddaba, Iqra Maxamed Cali (Dhegeey) oo ah kalkaaliso Soomaaliyeed oo ka howlgasha isbitaal ku yaalla magaalada Trollhättan oo  ah magaalo dhexaad wax aan 40 daqiiqo dhamayn u jirta  othenburg oo ah caasimadda 2-aad ee dalka Sweden ayaa ka warramaysa isbedello Soomaalida khuseeya oo kusoo kordhay isbitaalka ay ka shaqeeyso.

Waxaa warbixinta diyaariyey soona jeedinaya Maxamed Xaaji

Hadalsame Media