Dhakhtar Spanish ah oo ilmada ceshan waayey markii uu arkay dadka 65-jirka ah oo ogsijiinka laga siibayo si ay u dhintaan (Daawo)

0

(Madrid) 30 Maarso 2020 – Nin sheegay inuu Dhaktar yahay oo ku sugan dalka Spain ayaa kashifay in xirfadleyaasha caafimaad ee Madrid lagu khasbay inay ogsijiinka ka siibaan bukaannada ka wayn da’da 65-jirka, si ay u dhintaan.

Ninkan ayaa sheegay in bukaannada waayeelka ah la suuxinayo, iyadoo aan la siinayn wax ogsijiin ah ilaa ay ka xijaabtaan, si qalabka looga faa’iideeyo dadka ka da’da yar.

Dhakhtarkan oo aan ooyinta ceshan karin xanuunka niyadeed ee uu dareemayo dartii, ayaa wuxuu sheegay in dadka waayeelka ihi ay dalka xaq ku leeyihiin, isla markaana aanay sax ahayn inay ku dhintaan karaamo la’aantaas, sida uu yiri.

Ninkan oo arrintan xasuuq ku tilmaamay ayaa siyaasiyiinta ku eedeeyay inaysan waqti fiican dalka u diyaarinin agab caafimaad oo ku filan inuu xaaladdan oo kale la tacaalo.

Waxaa horay usoo baxayey in magaalada Torino laga hirgeliyey hab-raac caafimaad oo dhigaya in geerida lagu daawado dadka 80-jirka ka wayn, si loo badbaadiyo dadka kale.

Dalal ay Sweden ka mid tahay ayaa hab-raac cusub kasoo saaray sida mudnaanta loo kala siinayo bukaannada haddii ay lacalla timaado xasarad caafimaad oo uu cudurku ka saa’id caleeyo hannaanka caafimaad.

Halkan ka daawo…

Hadalsame Media