SAWIRRO: DF oo dhagax dhigtay dhismaha qaybo kale oo ka mid ah tuulada ciyaaraha Istaadiyo Muqdisho (Garoonkii dednaa & hoteelkii oo dib loo dhisayo)

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2020 – Mashruuc lagu horumarinaayo Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho stadium ayaa maanta waxaa dhagax dhigay Wasiirada Dhallinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Mashruucan Horumarinta ee dhismaha ah waxa uu ka kooban yahay Dhismaha xarunta ay ku shaqaynayaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, laba garoon iyo hotelkii stadium Mogasdisho.

Hadalsame ayaa fahamsan in labada garoon ee la sheegaya ay yihiin kuwa lagu tababarto, halka midkii kubadda kolayga oo iminka la dumiyey si toos ah loo bilaabayo marka laga faraxasho qaybta kubadda cagta.

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Xildhibaan Khadiija maxamed Diiriye ayaa sheegtay in mashruucan uu wax badan uu ka badali doono isboortiga Dalka.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa dhankiisa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ka go’an tahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dhallinyarada iyo u soo bandhigaan waxqabadka xukuumada ayna tusayaan in ay soo laabatay sharaftii ay lahayd dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirada dhallinyarada, Warfaafinta  iyo howlaha guud, iyo Xiriirka kubada cagta ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliyay xubno ka socda Gudiga qabanqaabada maalmaha xorriyada oo he’y,adaha dowlada ka kooban xubno ka socday Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyadoo garoonka stadium Mogadisho ay ku sugnaayeen ciidanka booliska soomaaliyeed oo gacanta ku haya ammaanka.

Hadalsame Media