Wasiir Maaliyadeed oo isu daldaley dhaqaale xumada uu sababay caabuqa corona

0

(Frankfurt) 29 Maarso 2020 – Wasiirka Maaliyadda Maamul-goboleedka Jarmanka ah ee Hesse oo ay hoos tagto Frankfurt, oo ah caasimadda dhaqaalaha Jarmanka, ayaa maydkiisa la helay.

Maamulka ayaa sheegay inay u muuqato inuu Wasiirku is diley, iyadoo uu Barasaabka gobolku sheegay inuu dareemayey inuu Wasiirku quus ka joogey burburka dhaqaale ee uu keenay caabuqa corona.

Maydka Thomas Schaefer, oo 54-jir ahaa xubinna ka ahaa xisbiga talada haya ee ay hoggaamiso Angela Merkel ee Christian Democratic Union, ayaa maanta laga helay birta xadiidka ah ee tareennada magaalada Hochheim, oo u dhow Frankfurt.

Booliiska iyo dembi baarayaasha oo dad goobjoog ahaa waraystay ayaa gaarey qiyaas ah inuu Schaefer iskii isu diley, welise rasmi ma aha.

Barasaabka maamul-goboleedka, Volker Bouffier, ayaa sheegay in ay u badan tahay inuu Wasiirku xamili waayey xasaradda dhaqaale ee caabuqa corona oo aad u dhaawacay dhaqaalaha caalamka.

Hadalsame Media