XOG SIRDOON: Madaxda Al-Shabaab oo is khilaafsan & hardan qabyaaladeed oo ka dhex jira (Maaliyadda oo la isku haytso)

0

(Hadalsame) 28 Maarso 2020 – Khilaaf dhanka awoodda ah oo ka dhex taagan kooxda  Al-Shabaab oo isku haysta xoolaha ay umadda ka baadaan ayaa keeni raba inay kala jabaan, sida ku qoran xog sirdoon oo uu helay The Nation.

Bishii tagtay ayaa la sheegay in hoggaamiyaha kooxdan, Axmed Diiriye, (Abu Cubeyda), inuu xilka ka qaado Madaxa Maaliyadda & Sirdoonka, Mahad Karatee, iyo Madaxa Howlgallada Dibedda, Bashiir Qoorgaab jeer ay 3-da nin isku hayaan maareeynta maaliyadda.

3 todobaad kaddib, Qoorgaab, oo ay Maraykanku ku eedeeyeen inuu yahay ninkii maleegey weerarkii Gacanka Manda Bay ee Kenya, ayaa lagu diley weerar daroon isaga iyo xaaskiisa.

Jen. Stephen Townsend, Madaxa Africom, ayaa qoraal ku xaqiijiyey in labada qof lagu diley weerar ka dhacay Saakow, oo qiyaastii 150 km woqooyi kaga beegan Degmada Jilib, oo iminka ah xarunta Shabaabka.

Xogta uu helay The Nation ayaa muujinaysa in khaarajinta Qoorgaab ay sii murjisey khilaafka madaxda sare ee kooxda oo aad u kala shakisan.

KALSOONIDII OO LUNTAY & QABYAALAD

Horraantii Maarso, waxaa la sheegay in Diiriye uu amray in la khaarajiyo nin muhim u ah Mahad Karatee oo ah Muuse Macalin Mucaawiye, Madaxii Sirdoonka Banaadir ugu qaybsanaa kooxda, kaasoo lagu casuumey Bu’aale, kaddibna halkaa lagu diley.

“Cubeyda wuxuu Karatee ku eedaynayaa inuu isagu is xijinayo xoolaha xoogga looga soo qaado xoolo raacatada, beeraleeyda iyo ganacsatada Muqdisho. Yeelkeede, wuxuu Karatee ku doodayaa in qabiilkiisa (Hawiye) uu yahay midka ugu badan Somalia, sidaa darteedna uu bixiyo xoolaha ugu badan, sidaa darteed, ay tahay in maaliyadda badankeed ay qaataan ama maamulaan ragga qabiilkaas uga jira kooxda, kaddibna qabiillada kale,” ayaa ku dhigan warbixinta sirdoonka ee uu faafiyey Nation.

Ilo kale ayaa sheegaya in Karatee uu ka xumaaday qaraxii 14-kii Oktoobar 2017-kii ay Al-Shabaab bamka arxan darrada ah ku qarxiyeen isgoyska cariiriga badan ee Soobbe, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 rayid ah oo aan waxba galabsan, isagoo dareensan in dadka dhintay ay qabiilkiisa u badnaayeen.

Diiriye, ayaa la fahamsan yahay in uu wixii xilligaa ka dambeeyay isku deyayey inuu baallaha ka rifo Karatee, balse ay aad ugu adkaatay taageerada qabiil ee uu haysto darteed.

Diiriye ayaa la sheegay in uu dumayo qabiillada kale, si ay ugu midoobaan qabiilka Hawiye, sida qoraalku sheegayo.

TILLAABOOYIN WIIQITAAN AH

“Kooxda ayaa aad faraha iskugu taagaysa kalana shakisan kaddib markii dhowr hoggaamiye lagu khaarajiyey weerarro shiish toosan oo daroon ah,” ayay warbixintu daba dhigtay, iyadoo ay sidoo kale socdaan qorshayaal kooxda looga xoreeynayo dhulalka ay ka joogaan koonfurta.

JISCIN LA’AAN

Kooxda Shabaab ayaa si ay dareenka u weeciyaan waxay ciidamo u direen ”xadka” Somalia-Kenya, balse ma haystaan cunto dhaqaale xumada darteed.

Waxay taasi dhalisay, in maliishiyadani ay 14-kii Maarso boobaan dukaamo ku yaalla degaanno hoos taga Degmada Gaarisa, iyagoo cuntooyin ka bililiqaystay laba dukaan, sida ku qoran warbixinta.

Hadalsame Media