SAWIRRO: Markabkii 2-aad oo dayuuradaha xambaara oo Maraykan leeyahay oo laga helay cudurka corona (Shiinaha oo hal arrin ka faa’iidaya)

0

(Hadalsame) 28 Maarso 2020 – Bad-maaxyada saaran laba markab oo kuwa dayuuradaha xambaara ah ee ku sugan Badda Deggan ama Baasifigga ayaa laga helay caabuqa coronavirus.

Arrintan ayaa kicinaysa cabsi ku salaysan in gobolkaa laga waayi doono saamaynta Maraykanka.

Ugu yaraan 25 bad-maax oo saaran USS Theodore Roosevelt ayaa laga helay coronavirus, taasoo markabkan ku shaqeeya awoodda nukliyeerka lagu amray inuu ku xirto saldhig ku yaalla Guam si loo baaro 5,000 oo askari oo saaran.

Markabka ayaa roondo ku sameeynayey biyaha Philippines iyo badyarooyinka South China Sea, markii laga helay COVID-19, markaasoo la amray inuu howl-galka deg deg uga boxo.

Jimcihii shalay ayay Maraykanka jug kale ku dhacday, kaddib markii la xaqiijiyey in caabuqa laga helay ugu yaraan 2 bad-maax oo saaran markabka USS Ronald Reagan, kaasoo iminka ku xiran deked ku taalla Japan.

Roosevelt iyo Reagan waa labada markab ee qura ee dayuuradaha xambaara ee Maraykanka iminka ka joogey Badda Deggan, waxaana aad loogu badinayaa in ay 25 maalmood ugu yaraan maqnaanayaan, si loo karaantiilo ciidamada saaran.

Waxay taasi awoodda Badda Deggan si rasmi ah ugu wareejinaysaa Shiinaha oo leh laba markab oo kuwa wax xambaara ah, kuwaasoo midkood oo ah Shandong, oo dhowaan la dhamaystiray kaddib markii ay ku baxday $9 bilyan oo doollar uu taagan yahay Jasiiradda  Hainan Island, oo ku taalla halka koonfur ugu xigta Shiinaha.

 

Hadalsame Media