DHEGEYSO: MW Muuse Biixi oo qiray inay Somaliland ka mid tahay DAYN cafinta Somalia (Ardayda Somalia oo uu soo dhoweeynayo)

0

(Hargaysa) 28 Maarso 2020 – MW Somaliland ee Muuse Biixi ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan wax uu ku sheegay ”ardayda Somalia” ee kasoo tallaabaya xadka Wajaale, si ay ugu sii gudbaan Somalia inteeda kale.

”Ardayda Somalia badankeed oo basas soo kireystey baa nagu soo socda, annaguna qofkii dhibaato waddo oo Soomaali ah waannu taageeraynaa,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale ka hadlay war sheegayey inaysan Somaliland ka mid ahayn qaan cafinta loo samaynayo Somalia oo ay Somaliland aaminsan tahay inay gooni ka tahay.

Biixi ayaa qiray in aanu Bankiga Adduunku si rasmi ah u sheegin inay Somaliland tahay ”dal madax bannaan” oo ka gooni ah Somalia, balse uu kaliya sheegay inay goosteen 91-kii, balse aan la aqoonsan.

”Warqadda ay soo qoreen si cad Somaliland ugamay saarin Somalia. Somalia waa 5 maamul-goboleed iyo Somaliland oo sheegtay inay go’day ayaa ku qoran, balse waannu ka saarnay oo waa dal gooni ah kuma cadda,” ayuu raaciyay Md Biixi.

Warka Biixi ayaa kusoo beegmaya jeer ay mucaaradka Somalia qaarkood ay XF ku eedeeyeen inay ogolaatay in ”dalka lakala gooyo”, sida ay warka u dhigeen.

Hadalsame Media