Booliiska Maraykanka oo qabtay nin Soomaali ah oo haweenay deris ah xabadeeyay! (Waa sidee xaalkeedu?)

0

(Rochester, MIN) 28 Maarso 2020 – Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Rochester oo ka tirsan Minnesota ayaa wajahaya dacwad isku day dil ah, kaddib markii ay Booliisku sheegeen inuu isku dayey inuu toogto qof ay deris ahaan jireen, sida lagu daabacay KTTC.

Sida kasoo baxday Booliiska Rochester, ninkan oo 59-jir ah lana yiraahdo Cumar Calasoow ayaa qorigiisa ku fiiqay haweenay 50-jir ah jeer ay taagnayd gurigeeda bannaankiisa. Wuxuu shilkani dhacay Khamiistii 10:15 AM, jidka 300 Block of 31st Street NE.

Haweenayda la xabbadeeyay ayaa xilligaas gaarigeeda sii geleeysey si ay u dhaqaaqdo, waana marka uu Calasoow arkay.

Markii ay salaantey, waxaa la sheegay inuu qori la soo baxay oo uu kaddibna riishadda taabtay, yeelkeede, ay xabaddu qoriga ku istaagtey oo uu jaam garoobey.

Haweenayda oo fursaddaa ilbiriqsiga ah ka faa’iidaysanaysa ayaa carartay isna wuu cayrsadey, isagoo xabadda ku leeb ridaya dhowr jeer, sida ay sheegtay.

Kaddib rag dayactirka ka shaqeeya oo goobta ka dhowaa ayaa maqlay haweenaysa oo cabaadaysa, kaddibna isaga ayay ku qayliyeen, markaas oo uu goobta ka baxsaday.

Booliiska ayaa deeto cayrsadey oo kasoo qabtay bannaanka Park Towers Apartment Complex. Waxaa qori laga soo helay kursiga hore ee gaariga.

Booliiska ayaan weli meelayn halka ay labada qof iska qardoofeen, iyadoo la sheegay inay isku fiicnaan jireen.

Lama sheegin haybta haweenayda.

Hadalsame Media